Trends-US

Elon Musk: Bilyaneerka fakhriga ku nool

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Elon Musk

11 Nofembar 2025

Hoggaamiyaha Tesla, Elon Musk, wuxuu ka mid ahaa dadka ugu taajirsan dunida muddo sanooyin ah, waxaana dhowaan hantidiisu cirka isku shareertay markii uu noqday qofkii ugu horreeyay ee gaadha hanti dhan nus-tirilyan doolar ah.

Si kastaba ha ahaatee, Musk wuxuu ku adkaystay in uu ku noolyahay nolol aad u fudud oo aan lahayn raaxo iyo qurux badni toona. Wuxuu sheegay sannadkii 2021 inuu ku noolaa guri uu ku leeyahay gobolka Texas ee dalka Maraykankka kaas oo qiimihiisu yahay $50,000 (£38,000).

Lammaanihiisii hore ee Grimes, oo u dhashay laba carruur ah, ayaa u sheegtay majaladda Vanity Fair sannadkii 2022 in uusan ku noolayn nolol raaxo badan sida dadka badankoodu u malaynayaan.

“Wuxuu u nool yahay si aan ahayn taajir; mararka qaar xitaa wuu ka hooseeyaa heerka saboolnimada,” ayay tidhi. Mar ayey sheegtay inuu diiday inuu iibsado sariir cusub xitaa markii dhinaceeda ay dillaacday.

Inkasta oo gurigiisu maalinlaha ah aanu ahayn mid raaxo badan, Musk waa la ogyahay inuu jecel yahay baabuurta gaarka ah; xitaa mid isu beddeli kara dooni hoos gasha biyaha. Waxa kale oo uu leeyahay diyaarado khaas ah oo qiimahoodu gaarayo malaayiin doolar.

Waxaase dhacday in uu sameeyo kharash bixintii weynayd ee sannadkii 2022, kadib markuu Twitter ku iibsaday $44 bilyan.

Guryihii raaxada ee uu iibiyay

Musk wuxuu mar lahaa hanti dhul iyo guryo qaali ah. The Wall Street Journal ayaa 2019 ku warantay inuu ku bixiyay $100 milyan si uu u iibsado toddobo guri muddo toddobo sano ah, badankoodna waxay ku yaalleen xaafadda raaxada badan ee Bel-Air ee California.

Guryahaasi waxay lahaayeen barkado dabaalasho, barxad lagu ciyaaro tennis-ka, qol khamri lagu keydiyo, maktabad gaar ah, iyo hool weyn oo xaflado lagu qabto. Mid ka mid ah guryahaas wuxuu ahaa beer uu hore u lahaa jilaaga caanka ah ee Gene Wilder, oo caan ku ahaa doorkiisii Willy Wonka.

Laakiin 2020, Musk wuxuu beddelay fikirkiisii isagoo ku qoray Twitter inuu “iibin doono inta badan hantidiisa jirta” isla markaana “uusan lahayn guri dambe.”

Wuxuu qoray: “Lacagta uma baahni. Waxaanse u hurayaa Meeraha iyo Dunida. Hanti kasta waykugu kugu cuslaataa.”

Si kastaba ha ahaatee, wuxuu ku adkeystay hal shuruud in guriga Gene Wilder “aan la duminayn ama aan laga lumin ruuxdiisa.”

Wuxuu iibiyay gurigaas oo saddex qol jiif leh, isagoo siiyay adeerkii Gene Wilder, Jordan Walker-Pearlman, amaah malaayiin doolar ah si uu u iibsado. Laakiin bishii Juun 2025, Musk ayaa dib u hantiyay gurigaas markii Mr. Walker-Pearlman lagu sheegay inuusan awoodin inuu bixiyo amaahda.

Sannadkii 2021, Musk wuxuu sheegay in gurigiisa “ugu muhiimsan” uu yahay guri yar oo qiimihiisu yahay qiyaastii $50,000, kuna yaal koonfurta Texas halkaas oo shirkaddiisa diyaaradaha hawada sare ee SpaceX ay ka shaqeyso, deegaankaas oo hadda loo bixiyay magaalada Starbase.

“Waa mid aad u fiican,” ayuu ku tilmaamay gurigiisa yar.

Sannadkii xigay, wuxuu sheegay inuusan xitaa lahayn guri rasmi ah, isagoo tusaale uga dhigay heerka hoose ee noloshiisa marka loo eego hantidiisa waalida ah.

“Runtii waxaan ku hoydaa guryaha saaxiibbaday,” ayuu u sheegay madaxa ururka TED, Chris Anderson. “Markaan u safro gobolka Bay Area, halkaas oo injineerada Tesla badankoodu ku sugan yihiin, waxaan si wareeg ah ugu hoydaa qolalka martida ee saaxiibbaday.”

Tani ma ahayn wax cusub 2015, madaxdii hore ee Google, Larry Page, ayaa qoraaga Ashlee Vance u sheegay in Musk “uu ahaa qof aan guri lahayn.”

“Wuxuu soo diraa e-mail isagoo leh, ‘Ma aqaan halka aan caawa seexan doono. Ma kuu imaankaraa?'” ayuu yidhi.

Waxaa jiray hadal badan oo sheegaya in Musk uu iibsado guryo kale gudaha Mareykanka, balse guriga Texas ayaa u muuqda kan kaliya ee si rasmi ah uu u leeyahay.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Bel-Air waxay hoy u noqotay hal-abuuro badan oo Hollywood ah iyo dad caan ah, laga bilaabo Beyonce iyo Jay-Z ilaa Alfred Hitchcock.

Baabuurta uu jecelyahay

Inkasta oo uusan lacag badan ku bixin guryo, baabuurta waa sheeko kale.

Maadaama uu yahay milkiilaha Tesla, lama yaabo inuu leeyahay ururin baabuur aad u gaar ah oo qaarkood yihiin kuwo aan caadi ahayn.

Xigashada Sawirka, NurPhoto via Getty Images

Qoraalka sawirka, Nooca Ford T – lagu naaneeso Tin Lizzie – wuxuu sameeyay baabuurta la awoodi karo celceliska shaqaalaha horaantii 1900-meeyadii.

Baabuurtiisa waxaa ka mid ahaa Ford Model T, baabuurkii qarnigii 20-aad ee dunida ka dhigay mid baabuurta la awoodi karo; Jaguar E-Type Roadster 1967 oo uu sheegay inuu jeclaa tan iyo yaraantiisii; iyo McLaren F1 1997, oo uu ku dhacay kadibna lacag badan ku dayactiray ka hor intii uusan iibin.

Wuxuu kaloo lahaa Tesla Roadster, oo ahaa noocii ugu horreeyay ee Tesla lagu iibiyo, wuxuuna caan ku noqday markii hawada sare loo ganay sannadkii 2018.

Baabuurka ugu yaabka badan waa Lotus Esprit 1976, oo uu James Bond ku waday filimkii The Spy Who Loved Me (1977).

Filimkaas, baabuurka oo loo bixiyay “Wet Nellie”, wuxuu isu beddeli karaa dooni hoos gasha biyaha. Musk wuxuu iibsaday baabuurkaas 2013, qiimihiisuna ahaa ku dhowaad $1 milyan, isagoo raba inuu dib u sameeyo awooddiisii biyaha hoostooda ku shaqaynaysay.

Xigashada Sawirka, Screen Archives/Getty Images

Qoraalka sawirka, Baabuurka Lotus Esprit ee lagu soo bandhigay filimkii The Spy Who Loved Me ee sannadkii 1977.

Duulimaadyada shaqada

Musk wuxuu qirtay inuu diyaaradaha khaaska ah u arko kharash shaqo, ma aha raaxo.

“Haddii aanan isticmaalin diyaaradda, waqti yar baan heystaa oo aan shaqeeyo,” ayuu yidhi intii lagu jiray wareysi TED ah sannadkii 2022.

Diyaaradaha gaarka ah ee uu leeyahay waxaa ka mid ah dhowr Gulfstream, mid kasta qiimaheedu waxuu yahay tobanaan milyan oo doolar.

Wuxuu u adeegsadaa safarrada u dhexeeya xarumaha SpaceX iyo Tesla ee gudaha Mareykanka, iyo safarro caalami ah.

Deeq-bixinta aan caadiga ahayn

Musk wuxuu ku deeqay balaayiin doolar oo ah saamiyo, sida ku cad dukumeentiyada dowladda Mareykanka, wuxuuna ballanqaaday malaayiin kale sababo kala duwan. Laakiin deeq-bixintiisa ayaa dhaliil badan loo jeediyay.

The New York Times ayaa sanadkii hore ku tilmaantay deeq-bixintiisa mid “aan nidaam lahayn oo u muuqata mid isaga u adeegeysa” taas oo u suurto gelisay inuu ka faa’iido canshuur dhimis waaweyn isla markaana kor u qaado ganacsiyadiisa.

Ururkiisa samafalka, Musk Foundation, ayaa sheegta in uu “u heellan yahay horumarinta bini’aadamka iyada oo loo marayo cilmi-baadhis saynis oo cusub, hal-abuurnimo tignoolajiyadeed, iyo dadaallo geesinimo leh oo xuduudaha macquulka ah dhaafaya.”

Hase yeeshee, The New York Times waxay ogaatay in ururku uusan buuxin shuruudihii deeq bixinta saddex sano oo xiriir ah, isla markaana deeqo badan ay aadeen hay’ado la xidhiidha Musk qudhiisa.

Marka la weydiiyay fikraddiisa ku aaddan samafalka, Musk wuxuu shaki ka muujiyay hababka dhaqanka ah ee deeq bixinta.

“Waxaan aaminsanahay haddii aad xiisaynayso wanaagga dhabta ah ee aan muuqaalka ahayn, samafalku waa mid aad u adag,” ayuu ku yidhi wareysigiisii 2022 ee Chris Anderson.

Musk wuxuu rumeysan yahay in ganacsiyadiisa laftoodu yihiin samafal: “Haddii aad tiraahdo samafalku waa jacaylka bani’aadamka, markaa shirkadahaygu waa samafal,” ayuu yidhi.

Wuxuu sheegay in Tesla ay “dedejinayso tamarta waarta,” halka SpaceX ay “isku dayayso inay hubiso sii jiritaanka aadanaha muddo dheer,” iyo Neuralink oo “isku dayaysa inay xaliso dhaawacyada maskaxda iyo khatarta AI.”

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button