Trends-UK

Maxay yihiin caanaha liska ah ee uu dhamay Haaland ee hadalhaynta badan dhaliyay?

Xigashada Sawirka, @Erling YouTube

1 Nofembar 2025

Muuqaalkii ugu horreeyay ee la soo galiyay kanaalka cusub ee Erling Haaland ee YouTube wuxuu soo jiitay in ka badan shan milyan oo daawade – wuxuuna dhaliyay dood ku saabsan cunista caanaha ceyriinka.

Muuqaal cinwaankiisu yahay ‘Maalinta ka mid ah nolosha ciyaartoy kubbadda cagta oo weyn’, weeraryahanka Manchester City iyo Norway Haaland, oo 25 jir ah, wuxuu ka hadlayaa hawl maalmeedkiisa iyo ku raaxaysigiisa cunto karinta – iyo cunista – hilibka jiirta ah ee lafta dheer dhexda ku leh.

Laakiin waxa uu sidoo kale ka hadlayaa sida uu u jecelyahay cabitaanka caanaha aan la karkarin ama la marsiinin nidaamka looga dilo bakteeriyada, kuwaas oo aan laga iibsan karin dukaamada- inkastoo iibkoodu uu sharci yahay gudaha England.

Hay’adda Heerarka Cunnada (FSA) ayaa ku talisay “waxaa ku jiri kara bakteeriyada waxyeellada leh ee keeni karta inaad ku sumowdo” sidaas darteed waa inaysan cunin dadka hab-dhiskooda difaaca uu daciifka yahay, oo ay ku jiraan kuwa da’doodu tahay 65 jir iyo ka weyn, haweenka uurka leh iyo carruurta yaryar.

Laakiin waa maxay sababta Haaland u cabto iyo maxayse tahay saamaynta ballaaran ee ka dhalan karta?

Maxaa laga wadaa caanaha ciiriinka ah?

Muuqaalka YouTube, Haaland waxaa laga duubay isagoo booqanaya beer ku taal Cheshire oo ku taalla Ingiriiska si uu u soo iibsado caano ciiriin ah.

Wuxuu ku tilmaamay “Cunto sare” oo uu aaminsan yahay inay u roon tahay caloosha, waxay u roon tahay maqaarka, lafaha iyo murqaha, isagoo raaciyay: “Waa sababta aan u cabbo.”

Ilo ku dhow weeraryahanka ayaa BBC Sport u sheegay inuu cabo hal galaas subax kasta iyo mid kale oo uu cabo xilliga tababarka ka dib – waa caado ka mid ah noloshiisa inta uu xasuusan karo.

Si fudud hadaan u dhigno, Haaland wuxuu dareensan yahay inay ka dhigayso mid caafimaad qaba, taas oo maskax ahaan muhiim u ah ciyaartoyga heerka ugu sarreeya ee xirfaddooda. Dhab ahaantii, doorasho shaqsiyeed ayuu u cabaa caanaha ee ma ahan mid ka saacidda nafaqada loo baahan yahay xilliga tababarka.

Waxaa la fahamsan yahay in qaar ka mid ah saaxiibada Haaland ee City ay sidoo kale cabbeen caano ceyriin ka hor imaatinkiisa, in kasta oo aan la garanayn inta ay le’eg tahay – ama inta ay cabaan.

Inta badan caanaha laga isticmaalo gudaha Ingiriiska ayaa ah kuwa la kululeeyay – si loo dilo bakteeriyada waxyeelada leh ee ku jirta. Caanaha liska ah looma soo saaro in isla markiiba la cabo gudaha Ingiriiska.

“Caanaha liska ah waxaa laga yaabaa inay ku jiraan bakteeriyada sabata in cuntada lagu sumoobo, sidaas darteed waxaa jira baaritaanno dheeraad ah oo lagu sameeyo iyo heerarka nadaafadda ee soo saarayaasha caanaha la cabbo oo iyana la eego,” ayay tiri agaasime ku xigeenka hay’adda tayada cuntada, Natasha Smith.

“In kasta oo kantarooladan adag ay ujeedadoodu tahay inay caawiyaan hubinta in caanuhu aysan dhib gaarsiin qofka cabaya, isla markaana aan taageersanahay dookha qofka, hadana waxaan kula talineynaa dadka jnugul inay ka fogaadaan.”

Xigashada Sawirka, Getty Images

Caanaha liska ma kuwa la helli karaa marwalba gudaha Ingiriiska?

Iibinta caanaha lo’da ee ceyriinka ah waa sharci gudaha England, Wales iyo Waqooyiga Ireland – laakiin waxaa si toos ah macaamiish auga iibin kara beeraha wax soo saarka caanaha liska ahee diiwaangashan, suuqyada beeralayda ee diiwaangashan, iyo qaybiyeyaasha wata gawaarida caanaha. Laakiin intaas oodhan oo wa ka mamnuuc Scotland.

Caanaha ceeriin waa in ay ka yimaadaan xoolaha ka fayow cudurrada sida qaaxada, beeraleyda u hoggaansata xeerarka nadaafadda iyana waa in si joogto ah loo baaro sannadkii laba jeer, waana in lagu calaamadiyaa digniinta caafimaad ee habboon.

Ilaha hay’adda tayada cuntada ayaa sheegaya in ay si joogto ah dib u eegis ugu sameeyaan xakamaynta caanaha la cabbo oo ay hiigsanayaan in ay taageeraan doorashada macaamilka, kuwaas oo ay barbar socdaan ilaalinta caafimaadka dadweynaha.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button